4 qof oo lagu dilay iska horimaad dhex maray Oramadda & Soomaalida wada deggan Bariga Ethiopia

Iska horimaadkaasi oo dhacay bilowgii isbuucan ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 4 qof, halka 5 kalena lagu dhaawacay, iyadoo 250-guri la gubay.

Laanta Afka Oromadda ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegtay in Ciiddanka Dowladda Deegaanka Soomaalida deggan Ethiopia ee Liyuu Police  la sheegay inay weerar ku qaadeen magaalladda Harargeh, sida ay baahiyeen Warbaahinta Gudaha ee Ethiopia.

Boqolaal qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku barakaceen Iska horimaadyadaasi.

Ku-dhawaad 30 Dugsi ayaa la sheegay inay weli xiran yihiin, tan iyo markii ay dagaalladda bilowdeen bishan May 23-dii.

Ma aha Iska horimaadkii ugu horreeyey ee Soomaalida iyo Oramadda Ethiopia ku dhex mara, iyadoo sannadkii hore uu dhex maray dagaal lagu hoobtay, kuna barakaceen boqolal kun oo qoys.

Dowlad-deegaameedyada Soomaalida iyo Oromadda waxay wadaagaan dhul-xudduudeed dhererkiisu ku dhow yahay 900 oo mayl.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media