• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 16, 2016
in Warar
Reading Time: 17 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mogadishu, 16 April 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Somalia iyo Sudan oo Heshiis Iskaashi ah wada saxiixday, Golaha Ammaanka ee QM oo xoojinaya taageerada Soomaaliya, Ciidamada Puntland oo soo qabtay 15 maleeshiyada Al-Shabaab, Madaxweynaha oo furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka, Deegaanka Bud-Bud oo laga xoreeyey Al-Shabaab, Tiro maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay Bariga Galgaduud, Maxkamada Ciidanka oo xukun Dil ah ku fulisay Xasan Xanafi, Waddo muhiim ah oo Baydhabo la dhagax-dhigay, Ciidanka Dowladda oo Al-Shabaab ka saaran deegaano hoos-yimaada Ceel-Buur, Madaxda Soomaalida oo ku heshiiyey nidaamka doorashada 2016-ka iyo Haweenka Gaalkacyo oo Gurmad gaarsiiyey dad abaarahu saameeyeen.

Somalia iyo Sudan oo Heshiis Iskaashi ah wada saxiixday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Cumer Xassan Axmed Al-Bashir ayaa 13kii April 2016 kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee dalka Suudaan. Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi. Iskaashiga labada dal ay xoojinayaan ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale. Labada Madaxweyne ayaa heshiis iskaashi kala saxiixday. Sidoo kale labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha ayaa iyagana Heshiis Iskaashi kala saxiixday. Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso ilamaa ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso.

Golaha Ammaanka ee QM oo xoojinaya taageerada Soomaaliya

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa 14kii April 2016 kulan la qaatay xubno ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ka kala socday wadamada Ingiriiska, Maraykanka iyo Faransiiska. Danjireyaasha uu Mudane Maxamed Cumar Carte la kulmay ayaa kala ahaa Peter Wilson oo matalaya UK, Alexis Lamek oo matalaya Faransiiska iyo Christopher Klein oo Mareykanka matalayey, iyagoo dhammaantood wakiil ka ahaa xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey bacdamaa ay dalalkaas Diidmada Qayaxan (VITO) ku leeyihiin Golaha Ammaanka oo muhiim u ah dalka Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ka socotay Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa soo casuuntay Safiirada UK ee Soomaaliya u fadhisa oo fadhigeedu yahay Safaarada ay UK ku leeyihiin Muqdisho H.E. Harriet Mathews. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa Qodobada kala ah Hirgelinta Nidaamka doorashooyinka ee dalka ku soo fool leh, Isku-dhafka Ciidamadda iyo tababarkooda, In la tashi laga sameeyo Siyaasadda iyo Amniga Qaranka, iyadoo lala tashanayo Maamul Goboleedyada Dalka, Caawinta dhaqaalaha ee dhinaca ciidamada, doorashooyinka iyo abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya iyo Muhiimadda Horu-marku uu u leeyahay Amniga. Kulanka waxa ku wehlinayay R/Wasaare ku Xigeenka, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Maxamed Axmed Aadan.

Ciidamada Puntland oo soo qabtay 15 maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada Amniga Puntland ayaa 12kii April 2016 howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ku soo qabtay 15 qof oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab. Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xoojinayay amniga magaalada Garoowe, isagoo intaa ku daray in ay gacanta ku soo dhigeen 15 qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab oo laga soo wada qabtay hal guri oo ay wada joogeen, iyagoo watay qoryahooda iyo booshashkooda. Guddoomiyaha Gobolka ayaa howlgalka hogaaminayay. Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa shacabka ka codsdaay inay nabadgelyada ay gacan ku siiyaan oo ay ciidamada la shaqeeyaan si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 11kii April 2016 si rasmi ah u furay Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen muddada afarta sanno ku dhow ee baarlamaankan uu shaqeynayey. Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay inuu rajo badan ka qabo in Soomaaliya ay horay ugu sii dhaqaaqi doonto haddii la joogteeyo hannaanka wax isla oggolaanshaha ee haatan goleyaasha qaranka ay ku shaqeynayaan. Madaxweynaha ka hor waxaa isna halkaasi khudbad ku saabsan waxqabadkii baarlamaanka iyo hawlaha horyaalla ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari. Mudane Jawaari ayaa si qota dheer uga hadley qorshaha doorashada 2016-ka, dib u eegista dastuurka, dhismaha hay’adaha dowliga iyo xoojinta adeegga garsoorka. Waxaa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu dambeyn sheegay in baarlamaanka uu xil iska saari doono hawlaha adag ee horyaalla ee muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Deegaanka Bud-Bud oo laga xoreeyey Al-Shabaab

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ayaa 11kii April 2016 si buuxda ula wareegay deegaanka Bud-Bud oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa ka soo dhaqaaqay dhinaca degmada Derri, waxeyna si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaanka Bud-Bud kaddib markii ay isaga carareen maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi markii ay ka warheleen in ciidamada XDS ay ku soo wajahanyihiin. Dadweynaha ku nool deegaanka Bud Bud ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidamada, iyagoo sheegay in maleeshiyaadkii Al-Shabaab ay u carareen dhanka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ee maanta la wareegay BudBud ayaa wada baaritaanno ay ku xaqiijinayaan ammaanka deegankaasi, waxeyna dhinaca kale ku sii raadjoogaan firxadka maleeshiyaadkii isaga cararay Bud Bud.

Tiro maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay Bariga Galgaduud

Taliyaha Qeybta Bariga Gobolka Galgaduud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Tareedisho, ayaa sheegay in kaddib howlgal ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen 11kii April 2016 deegaanno ka tirsan Bariga Gobolka Galgaduud ay ku dileen 57 ka tirsan maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al Shabaab oo 12 ay ahaayeen horjoogayaal. Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalka ay qaadeen markii ay xog rasmi ah ka heleen shacabka deegaannadaasi ku dhaqan, waxaana uu xusay in howlgalka ay soo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Maxkamada Ciidanka oo xukun Dil ah ku fulisay Xasan Xanafi

Maxkamadda Ciidamada Qalabka-Sida ee Soomaaliya ayaa 11kii April 2016 xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji oo ku luglahaa dilalka shan wariye oo ay ku jiraan Sheekh Nuur Maxmed Abkey, Tifaftirahii Wakaaladda SONNA, Saciid Tahliil Warsame, Agaasimihii Horn Afrik, Mukhtaar Maxamed Hiraabe Agaasimihii Idaacadda Shabeelle iyo kuwa kale. Xasan Xanafi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta, isla markaana ay ku cadaatay in uu ku lug-lahaa dilalka wariyeyaal dhowr ah ayaa lagu fuliyay xukunkii cadaaladda ee ahaa dilka toogashada. 3-dii bisha Maarso ayay ahayd markii Maxkamadda darajada Koowaad ay ku xakuntay dil toogasho ah, iyadoo Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ay 26-kii Maarso ku raacday xukunkii dilka ah ee ay riday Maxkamadda darajada koowaad.

Waddo muhiim ah oo Baydhabo la dhagax-dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo ayaa 11kii April 2016 siwadajir ah u dhagaxdhigay wadddo muhiim u ah marinka gaadiidka xamuulka qaada ee isticmaala gudaha magaalada Baydhabo taas oo dib u dayactir iyo hagaajin laga billaabay. Waddadaan oo lagu magacaabo Soddonka islamarkaana burbursaneyd 20 kii sano ee la soo dhaafay ayaa haatan waxaa dib u dayactirkan lagu sameynayo gacan ka gaysanaya hay’adaha DDG iyo DRC iyo maamulka Baydhabo. Waxaana dhinaca kale si iskood ah uga baxay waddada si bulshada uga wada faa’ideysato qaar ka mid ah qoysas markii horaba ku soo durgay waddada kuwaas oo garawsaday muhiimadda ay ummadda u leedahay dhismaha waddadaasi taasina waxa ay ka dambeysay markii uu maamulka kulan la qaatay qaar ka mid ah bulshada dagan magaalada Baydhabo.

Ciidanka Dowladda oo Al-Shabaab ka saaran deegaano hoos-yimaada Ceel-Buur

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa 9kii April 2016 howgallo ay ka sameeyeen degaanno hoos yimaada degmada Ceel-Buur kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab ayna ku dileen 7 ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana bilaabay howlgallo lagu xaqiijiyo amniga. Guddoomiyaha degmada Ceel-Buur Xasan Xuseen Guutaale ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalka ku dileen toddobo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna kula wareegeen deegaanno hor leh oo ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamada ay sii joogteynayaan howlgallada ka dhanka ah ee lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab.

Madaxda Soomaalida oo ku heshiiyey nidaamka doorashada 2016-ka

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho 9-ka ilaa 12-ka bisha Abril 2016. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka, iyo Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfuur Galbeed iyo GalMudug. Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhoweeyeen heshiiska ay Dowladda Federaalka iyo Puntland wada gaareen 3-dii April, sheegeena inaan muddo-kororsi dhici karin. Waxeyna isku raaceen hannaanka iyo qaab-dhismeedka doorashada soo socota.
War-murtiyeedka oo dhameystiran halkan ka aqriso:
http://sonna.so/akhriso-war-murtiyeedkii-kasoo-baxay-shirkii-madaxda-dalka-ee-muqdisho-ka-dhacay/

Haweenka Gaalkacyo oo Gurmad gaarsiiyey dad abaarahu saameeyeen

Iyadoo ay isa soo tarayaan gurmadka la gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyo yarida ka jirta deegaanno ka tirsan goballada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa 13kii April 2016 waxaa qaar ka mid ah haweenka magaalada Gaalkacyo ay gaarsiiyeen gurmad samafal ah oo isugu jira baco iyo raashin boqalaal qoys oo ku nool deegaanno hoostaga degmada Gelinsoor ee Gobolka Galguduud, kuwaasi oo ay saameeyeen dhanka nolasha ku yeesheen abaaraha iyo biya-yarida ka taagan deegaannada dhanka waqooyi kaga beegan degmada Gelinsoor. Xabiibo Maxamuud Cabdi Koofuroow oo ka mid aheyd haweenka gurmadka gaarsiiyay dadka tabaaleeysan ee ku nool deegaanadaasi ayaa sheegtay in deeqdan ay soo dhiibeen gabdho Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka oo soo dhiibeen lacag, anaguna lacagtaasi ayaan waxaan ugu soo gadnay raashin iyo baco ay hoy ka dhigtaan, waxaana gaarsiinay dadka ku nool deegaanada kala ah deeqlay, Gufaac, Bacaha iyo Ceel Muudaan.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]
Tel. +252 61 2777736 Email: [email protected] – Muqdisho –Somalia

weekly6
weekly
RW
weekly6
weekly
RW
weekly12
weekly8
weekly5
weekly3
weekly2
weekly1
weekly7
Previous Post

IGAD oo beenisay inay diideen inuu Muwaadin Somali ah Xil Sare ka qabto Ururkaasi

Next Post

Magacyada dadkii ay AMISOM ku dishay Buula Mareer

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo
Warar

Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo

June 11, 2025
Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

June 11, 2025
Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah
Warar

Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah

June 11, 2025
Next Post

Magacyada dadkii ay AMISOM ku dishay Buula Mareer

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

In a significant diplomatic milestone, the United Kingdom has formally recognized Somalia for pioneering the world’s first comprehensive national ammunition...

Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania

Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

The Federal Government of Somalia’s Ministry of Information, Culture and Tourism has participated in a key regional summit organized by...

CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour

CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

Mogadishu, Somalia — As the world marks June 12 – the World Day Against Child Labour, Somalia’s Ministry of Labour...

Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

Mogadishu, Somalia — In an emotional and triumphant moment for families and the wider fishing community, three Somali fishermen who...

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks
English News

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania
English News

Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour
English News

CHILDREN DON'T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift
English News

Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia, Turkey Deepen Security and Economic Ties Amid Shifting Regional Alliances
English News

Somalia, Turkey Deepen Security and Economic Ties Amid Shifting Regional Alliances

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Middle East on Edge: Israel Bombs Iran’s Nuclear Sites as U.S. Denies Involvement
English News

Middle East on Edge: Israel Bombs Iran’s Nuclear Sites as U.S. Denies Involvement

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks
  • Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania
  • CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour
  • Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00