27-sanno kadib, Madaxweynaha Sudan oo iclaamiyey inuusan mar kale isku soo taagi doonin xilkaasi.

Wareysi mar-la-arag ah oo uu Madaxweyne Omar Hassan Albashiir siiyey Laanta Afka Carabiga ee Idaacadda BBC-London waxa uu tilmaamay inuu xilkaasi ka doono, marka la gaaro sannadka 2020-ka, isla markaana la soo dooran doono Madaxweyne cusub.

Jeneral Alshabaab oo xilkaasi ku qabsaday Afgembi Milliteri sannadkii 1989-kii, waxa Xilligaasi kadib 3 jeer loo doortay Madaxweynaha dalkaasi.

Dhinaca kale, Jeneral Albashiir waxa uu Wareysigiisa ku beeniyey Eedeyn ay Hay’adda Human Rights Watch ku sheegtay inay Ciiddanka Dowladda Sudan tacadiyo ka geysteen Gobalka Daarfuur.

Waxa kale oo uu ka hadlay Xaalladda Ammaanka iyo Aadminimadda ee Gobalka, wuxuuna xusay inuu soo hagaagayo,isla markaana aan loo sii baahnaan doonin Hawlgalka Ciiddanka Nabad-ilaalinta Afrikaanka iyo Hay’addaha Samafalka ee ka hawlgala Gobalka Daarfuur.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor