Telefishinka Dowladda Iiraan ayaa sheegay in roobab daadad watay ku dhufteen W/bari dalkaasi, iyadoo ay 17 qof ku geeriyootay, halka 20-kalena la la’ yahay raqdooda iyo ruuxoodaba.
Agaasimaha Guud ee Mareynta Masiibooyinka ee Gobalka Bariga Azarbayjan, Khaliil Saei ayaa sheegay inay kooxh gurmadka heleen maydadka 17 qof, kadib, roobab culus oo ka da’ay magaallooyinka Ajbashiir iyo Arzashahr.
Hqaalaha Bisha Cas iyo ciiddamo ayaa loo daabulay goobaha ay daadadku waxyeeleeyeen, si ay taageero u siiyeen dadka ka badbaaday Daadadkaasi.
Bishii September ee sannadkii hore, ugu yraan 10 qof ayaa ku geeriyootay roobab daadad watay oo ka da’ay Caasimadda dalkaasi ee Tehraan iyo Gobalka Homozogan.
©Radio Dalsan