Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed (CCA), Md. Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib†ayaa shaaca ka qaaday inay Hay’adda gacan ka geysan doonto Hawlaha dib loogu soo celinayo Bilicda magaalladda Muqdisho iyo Dib-u-dayactirka Waddooyinka burbursan.
Guddoomiye Cajiib ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Radio Dalsan, wuxuuna xusay inay Hay’addu qabanqaabinayso Bandhig Faneed loogu magac daray “Nabadda Muqdisho iyo Dib-u-dhiska Magaalladdaâ€, iyadoo Bandhig Faneedkaasi lagu qaban doono Muqdisho Toddobaadka ugu horreeya ee sannadka cusub ee 2016 .
Waxa uu intaasi ku daray inay Bandhig Faneedkaasi ka soo qeyb geli doonaan Fannaan  caan ah oo ay ka mid yihiin Hodan C/raxmaan. Axmed Rasta, Idil Caddow iyo kuwo kale, wuxuuna Bandhigaasi bilaaban doonaa Habeenka uugu horreeya  Sannadka Cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyah.
Guddoomiyaha Hay’adda CCA waxa uu carrabka ku dhuftay in la samayn doono Lacag Ururin lagu kaabayo Kharajka lagu fulinayo Adeegyadda Bulshadda, gaar ahaan Bilicda Caasimadda Muqdisho iyo Dayactirka Waddooyinka burbursan.
Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed “Center For Community Awareness ( CCA )† ayaa ka mid ah Hay’adaha fara-ku-tiriska ee safka hore kaga jira Hawlaha Wacyi-gelinta Bulshadda iyo Adkeynta Nabadda iyo Ammaanka, waxaana ka go’an inay ka qeyb qaataan Hawlaha lagu soo celinayo Bilicda Caasimadda Muqdisho iyo Dib-u-dayactirka Waddooyinka muhiimka ee burbursan.
Waana Hawl muhiim ah oo Ku dayasho mudan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo ay Hay’ad Maxali ah oo aan Dowli ahayn shaaciso inay kaalin ka qaadanayaan Soo-celinta Bilicda Caasimadda iyo Hagaajinta Waddooyinka maagalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan              Â