War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhexe Ururka EU-da ee magaalladda Brussels ee dalka Belgium ayaa lagu sheegay inay €60 million ku taageerayaan Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya iyo gudaha Somalia.
Yaboohan ayaa ymid, iyadoo uu Shir Calaami oo Heer Wasiir ah oo looga hadlayey Xaalladda Qaxootiga Soomaalida uu maanta ka dhacay magaalladda Brussels.
Kharajkaasi oo loo adeegsan doono labo Weji, iyadoo Wejiga Koowaad lagu bixin doonaa €50 million oo lagu taageerayo Mahsariicda lagu taageerayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaalida ku nool dalalka Europe, Kenya iyo Ethiopia ee iskooda ugu soo laabanayo gudaha Somalia.
Wejiga Labaad ee Kaalmadda Dhaqaale ee EU-da oo dhan €10 million waxaa loo adeegsan doonaa Barnaamijyo laga hirgelinayo Waqooyiga Kenya, iyadoo mudaanta ugu muhiimsan la siinayo Kaalmadda Qaxootiga Soomaalida ee tababarta daran iyo kuwa aan ku laaban Karin goobaha ay weli khatarta ka jiraan ee dalka Somalia.
Waxaa kaloo uu Kharajkaasi qeyb loogu talagalay Bulshada martigelisay Qaxootiga iyo in hawlaha kale, si loo kordhiyo Is-dhaafsiga Dhaqaalaha ee Xerooyinka iyo guud ahaan Goballadda Kenya.
Xigasho: EU
© Radio Dalsan