Helikoptar ay Ciiddanka Kenya lahaayeen ayaa waxay barqanimadii maanta ku burburtay Garoon ku yaalla Deegaanka Oltinga ee ka tirsan Degmadda Nagong ee Gobalka Kajiyado.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Mi 171e Helicopter waxaa burburtay xilli ay ku jirtay Hawlgal Tababar, sida uu sheegay Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Zippora Kiyoko.
Taliyaha Boliska Gobalka Kajiyado, Muthuri Mwongera waxa uu sheegay inuu Shilkaasi 8-dii aroornimo ee saakayo ka dhacay meel 60 KM dhanka Koonfureed kaga toosan Deegaanka Oloopolos.
Wax faahfaahin ah kama bixinin Tirada Rakaabkii la socday Helikoptarka burburtay, inkastoo Diyaaradaa noocaasi ah ay qaadi karto celcelis ahaanj 26 qof oo rakaab ah.
Warar ayaa waxay sheegayaan inay 13 qof laga badbaadiyey Burburka Diyaaradaasi oo holac qabsaday, iyadoo Dadka dhaawacmay loo duuliyey Isbitaalka Ciiddamaadda ee Nairobi.
Goobjogayaal ayaa sheegay inay duufaan xoogan dhacaysay, xilligii ay Diyaaradda soo caga-dhiganaysay Garoonka, taasi oo sababtay inuu Duuliyaha si fiican u arki waayey Dhulka Garoonka uu ku degi lahaa.
Diyaaradda ayaa dhulka ku burburtay, iyadoo uu dab xooggan ka kacay.