Barack Obama oo sheegay inaan loo baahnayn in Mariniska Maraykanka loo soo diro La-dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegne ku qabteen magaalladda Addis Abeba.

Waxa uu ammaanay Horumarka ay Ciiddanka Dowladda Federalka iyo Hawlgalka AMISOM dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in Alshabaab lagu sii hayo cadaadiskaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Obama waxa uu tilmaamay inaan loo baahnayn in Mariniska Maraykanka loo soo diro La-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna shegay inay Ciidamadda ka kala socda  Ethiopia, kuwa Kenya iyo Uganda ka go’an tahay inay qabtaan Hawlgalladda lagla jiro Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ka sheegay inay Ethiopia soo food saartay Cabsi weyn, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la qabto hawl badan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Barack Obama waxa u ushirkiisa jaraa’id ka sheegay inay Maraykanka qabteen Hawl badan, isla markaana loo baahan yahay in lagu hayo cadaadiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor