140 Askari oo Nigerian ah oo tababar siinayey Ciiddanka Boliska Somalia ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadan doonaan sugidda Ammaanka ee Xilliga doorashadda.
Sidoo kale, Hawlgalka AMISOM ayaa codsaday Kumanaan Askari oo dheeraad ah oo ka kala yimaada dalalka Afrika si ay uga qeyb galaan Hawlgalka AMISOM ku doonayso inay weerar ku qaadaan Goballadda ay Xarakadda Alshabaab ku sugan yihiin.
Afhayeenka AMISOM, G/sare Sare Joseph Kibet ayaa u sheegay Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi in Ciiddanka AMISOM muhiim u yahay Sugidda Ammaanka Doorashadda ka dhacayso Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka saareen Muqdisho, balse aysan AMISOM weli ku guuleysanin inay Alshabaab ka saaraan Dooxadda Jubba, Goballadda Bakool iyo Hiiraan iyo dham,aan Deegaanadda ku teedsan Xeebaha.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegay inay Hawlgalo culus fulin doonaan muddada ay Doorashooyinka ka socdaan Somalia, waxayna xuseen inay Doorashadda tahay wax ay Reer Galbeedka soo dhoodhoobeen.
©Radio Dalsan