11,000 oo Tahriibayaal Somali ah oo sannadkan gaaray Europe iyo Tahriibayaal cusub oo la badbaadiyey.

GURMADHay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa shaacisay Tiradda Tahriibayaasha Afrikaanka ee sannadkan gaaray Xeebaha Europe, gaar ahaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Tiro-koob ay Hay’addu soo saartay ayey ku sheegtay in 2,478 Tahriibayaal Afrikaan ah bishii hore gaareen Xeebaha Talyaaniga, iyadoo ay tiradaasi

Hoos u dhacday marka loo eego Tahriibayaashii bishii June soo gaaray Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo dhamaa 23,186 qof.

Hay’adda IOM, waxay sheegtay in tirada Tahriibayaasha Soomaalida ee sannadkan soo gaaray Xeebaha Talyaaniga dhan yihiin 11,000 oo qof.

Waxaa kaloo sannadkan Xeebaha Talyaaniga gaaray 20,000 oo Tahriibayaal u dhalatay dalka Nigeria, iyo ku-dhawaad 38,000 oo u dhalatay dalka Eritrea.

Dhinaca kale, Ciiddanka Badda ee dalalka Talyaaniga, Spain iyo Britain waxay maalintii Khamiista badbaadiyeen 1,984 Tahriibayaal, kuwaasi oo badankooda u kala dhashay Somalia,
Wasaaradda Difaaca ee dalka Spain waxay sheegtay inay ciiddankooda badbaadiyeen 286 Tahriibayaal la socday dooni alwaax ah oo dherekeedu ahaa 15 mitir, iyadoo dadka la soo badbaadiyey u kala dhasheen dalalka Somalia, Eritrea, Ethiopia, Libya, Mauritania, Yemen, Mali iyo Moroko.

GURMAD 2
TAHRIIBAYAAL 2

GURMAD

© Radio Dalsan         

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor