Xukuumadda cusub ee dalka Liibiya oo Maanta xilka la wareegtay

Xukuumadda dhawaan la dhisay ee dalka Liibiya ayaa maanta oo talaada ah xilka kala wareegtay xukuumaddii hore.

Xukuumadda cusub ayaa xilka kula wareegatay xaflad maanta lagu qabtay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, waxaana kasoo qeyb galay madaxda dalkaas iyo kuwii hore.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda cusub Abdul Hamid Dbeibah ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto dhamaystirka dib u heshiisiinta iyo dib usoo celinta nidaamka dowladnimo ee dalka Liibiya

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in Liibiya  maanta dhagax dhigatay nidaamka dimuquraadiyeenta,  maadama xilka lagula  kala wareegay si nabad ah oo  heshiis lagu wada yahay.

Dhismaha xukuumaddan cusub ayaa ku timid heshiis ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso, waxaana laga sugayaa nabadeynta dalka Liibiya.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa Liibiya ka socday dagaalo sokeeye, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan kuwa kalena ku qasbay inay u qaxaan guddaha dalka iyo dibaddiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor