Aadan Cali Seedow oo kamid ahaa Guddiga madaxa Banaan ee Xuduudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in laga qaaday xilkii xubinnimada ee uu ka haayay Guddigaas.
Aadan Cali Seedow ayaa waxaa uu sheegay in xilka uu ka qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo dhawaan Magacaabay Guddiga madaxa Banaan ee Xuduudaha maamlkaas.
Sidoo kale Aadan Cali ayaa waxaa uu tilmaamay in lagu bedelay Xildhibaan Axmed Cabdi Cali hargeeyso oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Si kastaba Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa dhawaan waxaa lagu magacaabay Guddiga madaxa Banaan ee Xuduudaha Hirshabeelle,kuwaasi oo laga soo kala xulay deegaanada Hirshabeelle.