Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka bisha Octoober Sanada 2018 kulan ku yeelanaya Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah Xisaab xirka misaaniyadda dowladda 2017.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay ka soo qeyb galaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya ayaa kulanka ka qeyb geli doona,kuwaas oo kahor Akhrin doona Xildhibaanada Xisaab xirka misaaniyadda dowladda 2017.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii waxaa la horgeeyay hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhawrka guud ee lambarkiisu yahay 34 ee soo baxay 14/04/1972.