Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aya waxaa uu kulan uga socdaa Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu uu yahay saddex qodob oo kala ah.
1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa.
2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka.
3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansxiyay Sharciga wax ka badelka Batroolka,kaasi oo Golaha Shacabka hor yaallay maalmihii dambe.
150 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Sharciga,waxaana diiday 4 Xildhibaan oo kaliya.
Sharciga wax ka badelka Batroolka ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa qodobadii la isku mari waayay ee looga hadlaayay Shirkii dhawaan Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Goboleedyada dalka ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.