Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Mooshin xilka qaadis ka gudbiyay xubnaha ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland,kadib markii loo jeediyay Eedeymo kala duwan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa xubnaha Maxkamadda ku Eedeeyay xil gudasho la’aan iyo Caddaalad-darro,iyagoona arrimahaas ay u geysteen Bulshada reer Puntland oo ay u qabtaan adeegyada kala duwan ee dhanka Garsoorka.
Sidoo kale xubnaha ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa waxaa loo jeediyay inay ku kaceen fal Musuq-maasuq ah,waxaana Xildhibaanada ay dalbadeen in xilka qaadis lagu sameeyo.
War ka soo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland oo ay Mooshinka xilka qaadista ah ku dalbadeen ayaa u qornaa sidan: