Xiisad ka dhex taagan Masar iyo Ethiopia iyo Safiirkii Dowladda Masar u joogay Ethiopia oo loo yeeray.

Ilo Diplomaasiyadeed oo Masaari ayaa xaqiijiyey inay Dowladda Ethiopia u yeertay Danjire Abu Bakar Xafni, loona gudbiyey inay Masar kaalin ku lahayd xiisadihii dhawaan ka dhacay Gobalka Oromiya, laguna dilay 55 qof.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Berhani Karastor ayaa u yeeray Safiirka una gudbiyey cabashaddaasi, in kastoo uu Danjiruhu beeniyey inay ku lug leeyihjiin Xiisadaha ka socda gudaha Ethiopia.

Qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha iyo kuwa Caalamiga ayaa qoray inay Dowladda Masar dhaqaale ku bixinayso Dibadbaxyadda looga soo horjeedo Dowladda Ethiopia.

Labada Dowladood ayaa waxa ka dhexeeya Dagaal la xiriira Qeybsiga Biyaha Webiga Niil, iyadoo Dowladaha Masar, Ethiopia iyo Sudan bishii hore yeesheen Kulan ay kaga wada hadleen saami-qeybsiga Biyaha Webiga Niil.

Xigasho: AAWSAT

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor