Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxmed Jaamac oo uu Wehliyo ku Xigeenkiisa Koowaad S/guuto Cabdi Kariin Cali Afrax ayaa Maanta waxa ay kormeereen halka uu marayo Dhismaha Xabsi weyn oo laga dhisayo Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta KM7 ee Magaalada Muqdisho iyagoo indha indheeyey Masuuliyiintan Qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Xabsigaasi .
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir waxa uu uga warbixiyey halka uu marayo Dhismaha Xabsigan iyo Howlaha uu qaban doonno waxaana uu sheegay Taliyaha in Bilaha soo socda lasooo gaba gabeyn doonno Dhismahiisa .
Taliyaha ayaa sheegay in Xabsigan gabagabada marayo dhismahiisa hadii la dhameeyo uu wax badan ka badali doonno Ciriiriga ka jira Xabsiga dhexe isagoo xusay in Qorshahooda uu yahay Xabsiyada Dalka oo dhan in laga dhigo goob dhaqan celineed oo wax lagu baro Dadka lagu soo xiro.
Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen Bashiir Goobe ku amaanay Isbadalka la taaban karo ee uu ka sameeyey Xabsiyada Dalka isagoo xusay in Xabsigan Dhismihiisa Gunaanadka marayo uu qeyb ka yahay Horumarada ay sameeyeen Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed .
Xabsigan oo si Caalami ah loo dhisayo ayaa dhismihiisa waxaa iska kaashanaya Taliska Ciidanka Asluubta iyo Hay’ad UN ka leeyahay waxaana uu yeelan doonnaa qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Goobo loogu talo galay Jiifka ,Waxbarashada ,Garoonno loogu tala galay Ciyaaraha kala duwan iyo Qeybo ay dagaan Garsoorka waana Xabsi ay u dhameystiran yihiin Waxkastaa oo nolosha Aadmiga ay u Baahan tahay.
—–Dhammaad——
C/raxmaan Maxamed Gacan
Madaxa Xafiiska Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Mugdisho-Somalia.