Xal laga gaaray Cabasho la xiriirtay shuruudaha rukhsadaha Isgaarsiinta Dalka

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo qabanqaabisay kulan looga hadlayay arrimaha shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ka dib markii 7dii Abriil 2020 ay shirkadaha AMTEL, HORMUUD, SOMTEL & GOLIS, oo wada jira ugu soo gudbiyeen Wasaaradda, cabasho ku saabsan shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ee uu ku soo rogay Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay shirkadaha cabashada qabay, Maamulka Hay’adda, Guddiga Hay’adda, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Boostada Xukuumadda Federalka.

Inta uu socday kulanka ayaa looga doodayay qodobada ay ku kala aragti duwan yihiin shirkadaha, Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta iyo Guddoonka Hay’adda Isgaarsiinta, iyada oo dooddana uu gar-wadeen ka yahay Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Dood ka dib, waxay dhinacyadu hoosta ka xarriiqeen Go’aanadan:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media