Weeraro ka dhacay Boosaaso, xilli Maanta ay ka bilaabaneyso diiwaangelinta Cod-bixiyeyaal

Weerar loo adeegsaday Bam-gacmeedyo ayaa xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland, gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta Boosaaso, waxaana ka hadlay Taliska ciidamada Booliska Maamulka Puntland.

Taliska ciidanka Booliska Puntland oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in weerarkii Boosaaso oo ay fuliyeen kooxo hubeysan uusan geysan wax khasaaro ah, isla markaana goobta ay durbadii gaareen ciidamada ammaanka ee Booliska .

Taliska ayaa intaas kusii daray inay wadaan baaritaano ku aadan weerarkii dhacay, waxayna sheegeen in cid kasta oo geysata falal lidi ku ah amniga ay gacanta ku dhigi doonaan, ayna horkeeni doonaan sharciga.

“Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Boosaaso in abaare 8:20 PM fiidnimo caawa koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan.”

Sidoo kale saraakiisha amniga Maamulka Puntland ayaa dadweynaha magaalada Boosaaso iyo kuwa deegaanada kale ka dalbaday inay kusoo wargelinayaan cid walba falal amniga lid ku ah geysta, gacantana lagu soo dhigayo.

Bumbo-gacmeedyada xalay ka dhacay Boosaaso ayaa kusoo aadaya, xilli magaaladaas ay Maanta ka bilaabanayso diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, waxaana diiwaangelin diidan qaar kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor