• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka dowladda ee todobaadkii tagay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 21, 2015
in Warar
Reading Time: 12 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mogadishu, 21 Maarso 2015 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Norway, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo booqday Puntland, Heshiisyo ay Soomaaliya iyo Qatar kala saxiixdeen, Deeq Gar-gaar ah oo la Gaarsiisay Degmada Guricel, Wasiirka Waxbarashada oo booqatay Puntland iyo Galmudug, Xukuumadda oo dar-dargelineysa qorshaha vision 2016, Dib u Heshiisiin la dhexdhigay beelo dagaalamay, Shirka New Deal oo ka dhacay Baydhabo 15 – 16 Maarso, iyo Shirweynaha Dib u eegista Waxbarashada oo ka furmay Garowe.

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Norway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa 18kii Maarso 2015 waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey danjiraha cusub ee Boqortooyada Norway u fadhin doona Soomaalya Mr. Victor Conrad Rønneberg. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga mahadceliyey talaabada ay danjirahan cusub ugu soo magacawdey Soomaaliya, oo uu sheegay inay sii xoojin doonto xiriirka labada dal. Madaxweynaha ayaa sidoo kale danjiraha uga warbixiyey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada, horumarinta iyo adeegyada bulshada, isagoo xusey in wax badan la qabtey, waxyaabo kalena ay dhiman yihiin. Danjiraha cusub ee Norway Mr. Rønneberg ayaa isna kulankaasi ka sheegay in Norway ay sii kordhin doonto taageerada Soomaaliya, isla markaana uu jiro qorshe cusub oo Norway ugu talagashey barnaamijyada kala duwan ee horumarinta ee Soomaaliya lagu taageerayo. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Safiirka Norway ayaa shir jar’aaid si wadajir ah ugu qabtay oo ay ku sheegeen in Norway iyo Somalia ay ka wada shaqeynayaan horumarka Soomaaliya.

Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo booqday Puntland

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano la socday ayaa booqday Puntland oo ay Garowe kula kulmeen madaxda Puntland isla markaasna ay gaareen 18kii Maarso 2015 degmada Jariban ee gobolka Mudug isagoo u kuurgalayay xaaladda nolosha iyo mida amni ee degmadaasi iyo deegaanada hoosyimaada. Mahad Cawad ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Mudug. Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa degmada Jariban ku soo dhaweeyay qeybaha kale duwan ee bulshada. Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay booqdeen meela kale duwan oo ka tirsan degmadaasi waxaana warbixino uu ka dhageystay mas’uuliyiinta maamulka Degmada oo u sheegay in degmada ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa khudbad uu u jeediyey shacabka Jariban ayaa sheegey in Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ka wada shaqeynayaan sidii shacabka Jariban loo soo gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah. Booqashada wafdigan ayaa ah mid Baarlamaanka Federaalka uu ku xoojinayo xiriika Baarlamaanka, Maamulka iyo shacabka Puntland si Dowladda Federaalka ay u hirgeliso hiigsiga 2016ka. **

Heshiisyo ay Soomaaliya iyo Qatar kala saxiixdeen

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa 18kii Maarso la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, waxa ayna labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dheer ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla afgartay sidii loo xoojin lahaa dadaalada kala duwan ee dawladdu ay ugu jirto dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen in Qatar ay gacan ka gaysato Xasiloonida Siyaasadeed, Kobcinta Ganacsiga Soomaaliya, Adeegyada Bulshada, Maalgashiga iyo taageerada Hay’adaha Dawladda Soomaaliya. Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha labo heshiis oo wax ka tari doona Waxbarashada iyo Duulista Hawada iyadoo ay Soomaaliya heshiisyadaasi u saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali. Dawladda Qatar waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Waxbarshada, Mudane Mohammed Abdul Wahed Al Hammadi iyo Wasiirka Gaadiidka, Mudane Jassim Saif Ahmed Al Sulaiti. Heshiisyadani waxaa qayb ka ah in dayuuradda Qatar Airways ay bilawdo duulaamdyo ay ku tagi doonto dalka Soomaaliya iyo in Qatar ay gacan muuqata ka gaysato waxbarashada sare si ay uga faa’iidaystaan ardayda Soomaaliyeed.

Deeq Gar-gaar ah oo la Gaarsiisay Degmada Guricel

Dad danyar ah oo ku dhaqan Degmada Guriceeel Ee Gobolka Galgaduud ayaa 18kii Maarso waxaa Deeq Gar-gaar ah Gaarsiisay Hay’adda NRC dadkaa ayaana uga mahad naqay Hay’adda Caawinteeda. Nabadoon Cali Dheeh oo ah afhayeenka guurtiga gobolka galgaduud ayaa uga mahadceliyay hay’ada sida ay ubixiyeen deeqda. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo la-hadlay warbaahinta qaranka ayaa ugu baaqay hayadaha ineey ku dadaalaan gurmadka dadka tabaleeysan. Dowladda Federaalka ayaa uga mahadcelisay NRC gar-gaarkan muhiimka u ah shacabka deegaanka isla markaasna ka codsaday hay’adaha kale inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan Guricel iyo deegaanada kale ee gar-gaarka u baahan.

Wasiirka Waxbarashada oo booqatay Puntland iyo Galmudug

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadra Bashir Cali ayaa booqatay Garowe, xarunta Puntland oo ay kulamo kula qaadatay Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirada ayaa sidoo kale ka qeybgashay kulan lagu horumarinayo waxbarashada Soomaaliya oo lagu qabtay Garowe. Sidoo kale Wasiirada ayaa 18kii Maarso gaartay magaalada Gaalkacyo iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Mudug oo ay kulamo kula qaadatay mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland. Marwo Qadro Bashiir Cali Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa Gaalkacyo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada Maamul, iyadoo socdaalkeeda uu la xiriiro sidii ay ugu kuurgali lahayd xaaladaha waxbarasho ee ka jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Marwo Qadro ayaa kulamo la qaadatay mas’uuliyiinta labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug oo ay kala hadashay sidii loo horumarin lahaa waxbarashada.

Xukuumadda oo dar-dargelineysa qorshaha vision 2016

Golaha Wasiirada ayaa 15kii iyo 16kii Maarso 2015 Muqdisho ku yeeshay shir labo cisho socday oo lagu diyaarinayey qorshaha 100ka maalmood ee Xukuumadda isla markaasna lagu dar-dargelinayey howlaha muhiimka u ah hirgelinta vision 2016. Qorshayaasha Boqolka Maalin ee soo socota Xukuummadda Somalia ayaa ahaa waxyaabaha sida gaarka ah ay uga doodayeen Wasiradu labadii maalin ee uu socda shirku. Ra,iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo shir gudoominayay shirka ayaa sheegay in loo baahanyahay in wax la taaban karo la qabto mudada 100ka maalmood ee ugu horeysa. Arrimaha lagu xusay qorshaha 100ka maalmood ayaa waxaa ka mid ah
Hindise sharciyeeedyada Wasaarada cadaalada sidii loo dhameeestiri lahaa oo loo dhisi-lahaa Gudiga Adeeega Garsoorka iyo sidii Wasaaradahu u soo diyaarin lahaayeen hindise sharciyeedyada muhiimka u ah hirgelinta vision 2016.

Dib u Heshiisiin la dhexdhigay beelo dagaalamay

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha wada dega gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ka socda magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa 16kii Maarso waxaa lagu soo bandhigay heshiis ay wada gaaraan Afar Beelood oo kamid ah Beelaha shirka ka qeybgalayay iyagoo ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya si nabad iyo walaaltinimo ah ku wada noolaadaan. Maxamed Nuur Diini oo kamid ah waxgaradka shirka ka qeybgalaya oo warbaahinta u akhriyay qodobadii ay ku heshiiyeen Beelahan ayaa yiri :
1. In aysan wax Colaad ah hadda na dhex oolin; 2. In wixii shakhsiyaad kala tabanayaan loo xil saaro odayaasha; iyo 3. labadan Beelood anagoo lamid ah waxaan diyaar u nahay in aan la heshiino dhamaan Beelaha.

Waxgaradka labada dhinac oo madasha ka hadlay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay heshiiska labo labo Beelood u wada gaaraan, waxaana dhankooda balan qaadeen in ay xoojinayaan nabad iyo deris wanaaga. C/laahi Axmed Samatar oo ah Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo Amaanka ee maamulka gobolka Galgaduud oo goobta heshiiskan lagu soo bandhigay ka hadlay ayaa sheegay in ka maamulkaan ay aad ugu faraxsan yihiin heshiisyada ay maanta labo labo u gaareen Beelaha shirka dib u heshiisiinta ka qeybgalayay isagoo dhamaan Beelaha ku booriyay in heshiis wada qaataan.

Shirka New Deal oo ka dhacay Baydhabo 15 – 16 Maarso

Hay’ada ACU ayaa Baydhabo ka hirgelisay shir labo maalmood socday 15kii iyo 16kii Maarso oo looga hadlayey arrimaha New Deal-ka. Ujeedada kulanka iyo booqashada Baydhabo ayaa aheyd sidii Maamulka Koofur Galbeed looga qeybgalin lahaa qorshaha New Deal-ka. Shirkan oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta New Deal ee maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay bulshada rayidka ee Baydhabo, sida dumarka, NGO-yada iyo ururada u dooda xuquuqul Insaanka. Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden ayaa furay shirka 15kii Maarso. Waxaana 16kii soo xiray Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdi Ceynte. Go’aamadii ka soo baxay shirka ayaa ahaa:
1. Wasiirada Koofur Galbeed oo si wanaagsan loogu sharaxay qorshaha iyo dadaalada New Deal-ka iyo sida loo rajeynayo in hiigsiga 2016 la dhaqangeliyo.
2. In Xafiis ACU laga furo Baydhabo;
3. In la xoojiyo ka qeybgalka Maamulka Koofur Galbeed iyo dhaqangelinta nidaamka Compact-ka iyo ka qeybgalkooda heerarka kala duwan sida HLPF, SDRF, iyoPSGs.
4. In la xoojiyey sidii Maamulka Koofur Galbeed uu u dardargelin lahaa barnaamijka Xasiinta Dalka, gaar ahaan goobaha la xoreeyo.
5. Iyo in Maamulka Koofur Galbeed uu ku yeesho xubno Guddiga Xasilinta Dalka oo ay Dowladda Federaalka hoggaamiso.

Shirweynaha Dib u eegista Waxbarashada oo ka furmay Garowe

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 15kii Maarso si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha labaad ee dib u eegista Waxbarashada. Furitaanka Shirweynahaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Waxbarashada Puntland, wasiiro iyo madax kale oo katirsan Puntland, waxgarad, aqoonyahano, madax ka soctay hay’addaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in Puntland iyo Ganacsataduba iska kaashadaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada wax baratay si looga baxo shaqo la’aanta jirta. Shirweynaha ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey heerka horumarineed ee waxbarashada Puntland oo sanadba sanadka ka dambeeya horumar laga gaarayo.

Previous Post

Daawo:Sawiradda Dhismaha Lagu Qaban Doono Shirka Cadaado

Next Post

Malta ”Sanadkii Hore Soomaali Badan ayaan Magangalyo Siinay”

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Malta ''Sanadkii Hore Soomaali Badan ayaan Magangalyo Siinay''

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00