Wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan Xukuumadda Xamse Barre oo is Casiley

Iyadooย  goordhawyed lagu dhawaaqay wasiirada Cusub ee Xukuumadda Cusub ee RW Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa Xilkii iska casilay masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Xubnaha la magacaabay.

Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ka mid ahaa Xubnihii galabta la magacaabay ayaa ku dhawaaqay in Xilkaasi uu iska casilay.

Wasiir ku xigeenka ayaa is casilaaddiisa u sababeeyay dhowr arrimood oo ay ugu weyn tahay awood qabysiga Dowladda, taasi oo uu sheegay in qoonda ahaan aysan kusoo aadayn Wasiir ku xigeen.

Si kastaba Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali ee iska casilay Xilka ayaa noqonaya shaqsigii ugu horreeyay ee ka mid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Xilka loo magacaabaay iska casila.

About Webmaster

View all posts by Webmaster