Wasiirka Maaliyadda Puntland oo mar kale hor tagay Golaha Wakiillada  

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland  Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2022 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka Puntland, Xassan Shire Cabdi ayaa khudbad ka jeediyey Aqalka Golaha Wakiillada waxa uuna ku faah-faahiyey Miisaaniyadda 2022.

Wasiirka ayaa sheegay in dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 koror dhan 11%  marka la barbar dhigo sannadkii 2021-da.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Arbacada November 25, 2020.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor