Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga wasiirka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir,iyo xubno kale,waxaana Safarkiisa ku wehlinayo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ujeedka uu Wasiir Sabriye u gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug,isla markaana ay u qabsoomi laheyd doorashada Galmudug bartamaha sanadkaan.
Sidoo kale Wasiirka inta halkaasi uu ku sugan yahay ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay,