Waxaa weli ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Galmudug kulamo u dhexeeya Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxda maamulka Galmudug.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulamada oo sii galay maalintii saddexaad,kuwaasi oo weli la isku mari la’yahay,isla markaana dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kulamada in Madaxda Galmudug ay ku qansiyo in Doorashada maamulkaas la qabto Bisha soo socota.
Sidoo kale kulan dhexmaray Wasiir Sabriye iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo hogaamiyaha Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo dhamaaday is-Afgarad,isla markaana labada dhinac ay isku soo dhawaadeen.
Hayeeshee Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu weli diidan yahay in uu la kulmay wafdiga ka socda dowladda Federaalka eek u sugan Dhuusamareeb,waxaana Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan dadaalo la isaga hor keenayo Madaxweyne Xaaf iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid Go’aan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha,kaasi oo lagu shaaciyay in mudada xil-heynta Madaxda dowlad Goboleed Galmudug ay ku egtahay 4-ta Bisha soo socota ee July 2019,isla markaana Doorashada Galmudug lagu qaban doono waqtigii loogu tala galay.