Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Muqdisho ku qaabiley Wafdi ka socda Switzerland iyo Bangiga aduunka oo soo gaaray Muqdisho.
Wasiir Beyle ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay iyo  Dowladda Switzerland ay sii wado taageerada ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
“Sharaf ayay ii aheyd in aan Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyo Wafdi ka socda Dowladda Switzerland iyo Bangiga aduunka Waxaan ku faraxsanahay in Dowladda Switzerland ay sii wado taageerada ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed†ayuu yiri Wasiir Beyle.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu tilmaamay in dib Dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka ay horseeday in Caalamku si dhab ah noo garab istaago.