Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyin kala duwan oo maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.
Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in aysan ineysan aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Doorashada Xildhibaanada Jubbaland ay ku doorteen Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo mida musharixiinta Mucaaradka ay ku doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamamtay in Doorashooyinkaas ay sameeyeen shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Walaac ka muujisay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Magaalada Kismaayo ee ku saabsan, Isla Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.