Wasaarada Dhalinyarada oo amartay inan la xusi karin 15 May iyada oo aan fasax la heysan

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) ayaa shalay amar ku bixiyay inaan Muqdisho lagu xusi karin maalinta 15 May ee dhalinyaradii SYL iyada oo aan wax fasax laga helin maamulka gobolka Banaadir sida ay baahisay wakaalada wararka SONNA.

Wasiirka ayaa SONNA u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu masuul ka yahay qaban qaabinta xafladaha 15 May iyo amaanka munaasabadaha ka dhacaya Muqdisho maanta oo kale.

Dadka Soomaalida ayaa marwaliba xusa 15 May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu xasuusto dhalinyaradii SYL.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor