Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Jowhar

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenimadii xalay aheyd Magaalada Jowhar ee Xarunta Shabeellaha Dhexe loo geystay Wiil la sheegay inuu dhalinyaro ahaa.

Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay agagaarka Buundada kala qeybisa xaafadaha Hanti-wadaag iyo Horseed, isla markaana ay Wiilka u geysteen Rag hubeysan.

Wiilka dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Ismaaciil Yare, waxaana goobta ka baxsaday ragii  hubeysnaa ee falka geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyadoo halkaas kasoo qaaday Meydka Maraxuumka, sidoo kalena sameeyay baaritaano aan wax natiijo kasoo bixin.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya dilka Marxuum Ismaaciil uu yimid kadib markii rasaas ay isku fureen labo askari oo muran dhexmaray ay haleeshay sidaasina uu ku dhintay.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan, waxaana falalkaas inta badan sheegta Al-shabaab.

Comments
Loading...