Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.
Guddoomiye Cabdullaahi Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aankii Gobolka Banaadir Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, isagoo u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay Go’aankii Baarlamaanka Puntland ay uga soo horjeesteen kordhinta kuraasta Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayuu ugu baaqay Shacabka Puntland in aysan Madaxdooda ku daba kicin qalad, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay in iyaga oo kaliya Go’aan qaataan.
Dhinaca kale Guddoomiye Cabdullaahi Sheekh ayaa ka hadlay hadallo ay sheegeen Madaxdii hore dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku aadanaa in muddo kororsi ay sameeynayaan Madaxda haatan ee dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn Cabdullaahi Sheekhh Xasan ayaa waxaa uu sheegay in muddo kordhin ay dalbadeen oo kaliya Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si dalka ay uga dhacdo Doorasho qof iyo Cod, balse aysan jirin Muddo kordhin kale oo la sameeyay.