Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo Maanta ah Maalintii Koobaad ee Shirkaas.
Xubnaha Khudbadaha shirkaasi ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isaga oo ka hadlayay dhanka amniga waxa uu sheegay in Dowlad Goboleedyada looga baahan yahay inay sameystaan Ciidamo u gaar ah.
Haatan waxaa socota Khudbado ay jeedinayaan Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada.