Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Goordhow ka bilaabatay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellahaa Dhexe.
Howlka ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan Xildhibanada Baarlamanka Hirshabeelle, siyaasiyiin Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan oo halkaas gaaray, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale oo farabadan.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si rasmi ah u dooran doona Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, iyagoo horey u doortay Guddoonka Baarlamaanka.
Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya labada Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa waxaa u taagan Musharaxiinta Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu yahay mid siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad iyo kuwo kale.