Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya,  Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wasiirka iyo  Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Kulanka ayaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka, wuxuuna wasiirka uga mahadceliyay Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya.