Magaalada Hargeysa ayaa Maanta waxaa heshiis Cusub ku kala saxiixday Xukuumadda Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo ku aadan dhanka Beeraha deegaanada maamulkaas, isla markaana socon doona muddo 5 sanno ah.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr Axmed Cali Maax iyo Mr. Mars Shiue oo Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Safaaradda Taiwan ayaa si wadajir u kala saxiixday heshiiskaas.
Heshiiskan oo daba socda heshiisyadii iskaashi ee hore u kala galeen Somaliland Iyo Taiwan ayaa ku qotoma bilawga barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan ee baahi bulshada Somaliland u qabto, sida Liinta , Saytuunka , Tamaandhada , Basasha iyo khudaarta kale..
Barnaamijkan ayaa ah mid labada dhinac iska kaashan doonaan waa Somaliland iyo Taiwane, sida qalabka iyo iyo dalaga oo dawladda Taiwan keeni doonto , halka Somalilanda goobaha laga hirgalinayo oo u badan dhulka biyaha leh ee guud ahaan Somaliland laga hirgalin- doono.
Si kastaba madasha heshiiskaan Cusub lagu kala saxiixanayay ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka Taiwan iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Somaliland, iyadoo horeyna labada dhinac ay heshiisyo u galeen.