Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Magalada Muqdisho waxa ay ku qabteen Shaqsi la sheegay inuu watay,isla markaana la dhoofayay lacago Been abuur ah.
Warka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in 18 Bishan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay Shaqsi Watay lacago been abuur ah oo isugu jirtay Dollar iyo Euro.
Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale howlgal la sameeyay mudo lix Saacadood ah kadib Gacanta lagu soo shigay Shabakad ku howlnaeyd sameynta lacagtaas.
NISA masheegin Magaca Shaqsiga lacagta been abuurka ah lagu qabtay iyo tirada Shabakada.
Dhacdadaan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli 10kii Bishaan shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho.
Khamiistii hore oo ku beegnayd 18/10/2018, ciidanka amniga ayaa madaarka Muqdisho waxay ka soo qabteen shakhsi la dhoofayay lacag been abuur ah oo isugu jirta dollar iyo Euro. Lix saac kadib, magaalada daafaheeda ayaa laga soo qabtay shabakadii oo dhamaystiran. pic.twitter.com/vDuIDlC3Hf
— NISA (@HSNQ_NISA) October 21, 2018