Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin u diray Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada London ayaa habka fogaan aragga kula Shiray Guddiga xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga xaqiijinta Qoondada haweenka ee uu magacaabay ku bogaadiyay howsha loo igmaday ee ah u ololeynta Qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Guddiga kula dardaarmay inay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiyada doorashooyinka dalka, Madaxda dowlad-Goboleedyada iyo  bulshada rayidka ah.

Kulankaan ayaa kusoo aaday, iyada uu Guddigaan walaac ka muujiyay waxa ka socda Kismaayo, waxaana Guddoomiye Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ay sheegtay inay saluugsan yihiin in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato Musharaxiinta Aqalka Sare ee Jubbaland.

Guddoomiye Batuulo Sheekh Axmed ayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ugu baaqday inuu dib ugu laabo Liiska Musharaxiinta ee uu soo gudbiyay, isla markaana uu kusoo daro gabar kale, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%.