Qoorqoor oo dhameystiray xubno ka dhinaa Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo horumartinta dhaqaalaha iyo Wasiirka xanaanada xoolaha ee Galmudug

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa Wasiirka Qorsheynta Galmudug u magacaabay Cabdinaasir Geelle Elmi, halka Wasiirka xanaanada Xoolaha laga dhigay Maxamed Cabdi Maxamed.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ah ee labada Wasiir.