Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Maamulkaas oo ka qabsoomay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin amniga deegaanada Maamulka Galmudug, maqaamka Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Magaalada Guriceel.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dagaal maalmo qaatay ku dhexmaray Ciidanka dowladda, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna.
Inta uu socday Shirka Golaha ayaa Guddiga Gurmadka ee uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor ka warbixiyay gurmadkii ay gaarsiiyeen dadkii ka barakacay magaalada iyo dadaalada dib u dajinta loogu sameynayo.
Golaha Wasiirada Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Ansixinta Guriceel ayaa timid kadib markii Golaha Wasiiradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka, waxaana Madaxweyne Qoorqoor uu Golihiisa Wasiirada faray inay dardar-geliyaan shaqooyinka horyaalla.