Madaxweyne ku-xigeenada Galmudug iyo Jubbaland oo Maanta ku kulmay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenada dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Cali Daahir Ciid ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ku sugan yihiin.

Labada Madaxweyne ku-xigeen ayaa kulankooda uga wada hadlay Arrimo dhowr ah oo kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Iskaashiga ka dhexeeya labada maamul ee Galmudug iyo Jubbaland.

Sidoo kale waxaa ay ka wada arrinsadeen doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 15-ka bishaan May ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenada dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Cali Daahir Ciid ayaa maalmo kahor yimid Muqdisho, iyagoona u soo gaaray ka qeyb galka doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka.