Madaxweyne Deni oo faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha dadaadkii Qardho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay daadadkii dhawaan ku rogmaday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkar ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu marka hore sheegay in daadadkii ku rogmaday Qardho ee ka dhashay Roobabkii mahiigaanka ahaa ee halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 8 ruux oo shacab ah, isagoona tacsi u diray Ehelada iyo qaraabadii ee dadkaas ka baxeen.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in daadadka Qardho ay ku barakaceen 3,540 qoys, isla markaana ay burburiyeen 750 Guri, sidoo kalena ay ku baaba’day kun iyo labaatan Goobo Ganacsi ah oo ku yaallay Suuqa Magaaladaas.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in Qardho lasoo gaarsiiyay gurmad farabadan oo isugu jiray Raashin, Daawo iyo Agabyo kala duwan oo loogu talagalay dadkii waxyeelada soo gaartay, isla markaana la gaarsiiyay 60 kun iyo 20 qoys oo shacab  ah.

Waxaa uu Deni ka mahadceliyay sida Dowladda Federaalka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay gurmadka loo sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday Qardho.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus, isagoo sheegay in Cudurka uu yahay khatar ah oo aan daawo laheyn, isla markaana looga baahan yahay in feejignaan dheeraad ah laga galo.

Sidoo kale Deni  walaac farabadan ayuu ka muujiyay Cudurka iyo Kiisaskii dhowrka ahaa ee laga helay deegaanada Puntland, wuxuuna ka tacsiyeeyay dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee u dhintay Cudurkaas.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu  shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirka Caafimaadka, kuwaasi oo la xiriira ka hortega faafida Cudurka COVID-19.