Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta furmaya

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland oo Bilihii lasoo dhaafay fasax ahaa.

Munaasabadda furitaanka Kal-fadhiga 46-aad ee Puntland ayaa haatan ka socota Xarunta Baarlamaanka maamulkaas, waxaana ka qeyb geli doona Xildhibaanada Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi ayaa furi doona Kal-fadhiga, isla markaana waxaa ku wehlin doona Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyagoona Munaasabadda ka jeedin doona Khudbado ay uga hadlayaan arrimo kala duwan.

Kulamada Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa Ajendayaasha ugu waaweyn ee looga doodi doono waxaa kamid ah La-xisaabtanka Xukuumadda iyo dhameystirka iyo Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u lahaan jirin taasi oo muhiim u ah hannaanka Xisbiyada badan ee ka jira Puntland.

Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Baarlamaanka oo maanta ka dhaceyso Munaasabadda furitaanka.