Guddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyay Odayaasha soo xulaya Ergada 6 kursi

Guddiga hirgelinta doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee soo xulaya ergada 6 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu soo bandhigay Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee soo xulaya ergada 6 kursi oo ay u soo saareen Guddiga doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shaacin doonaan Jadwalka doorashada 6-ka kuri ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo tirsigoodu kala yihiin HOP245, HOP247, HOP267, HOP268, HOP269 iyo HOP215.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in maalmaha soo socd, si dardar leh ku bilaabato, maadaama Golaha Wadatashiga Qaran ay dhawaan ku heshiiyeen in doorashada Golaha lagu soo gaba-gabeeyo 40 maalmood oo Maanta ka bilaabaneysa.

Hoos ka Akhriso Liiska Magacyada ee lasoo saaray.