Guddiga doorashada Somaliland oo billaabay diiwaan galinta Ergada dooranaysa Kursiga Hope262

Waxaa magaalada Muqdisho wali ka socota diiwaan galinta Ergada dooranaysa kuraasta Golaha shacabka ee ay Somaliland ku leeaahy, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga maamulka Doorashada gobolada waqooyi Somaliland ayaa Saaka si gaar ah u billaabay diiwaan galinta Ergada dooranaysa Kursiga tirsigiisy yahay Hope262, kaasi oo la filayo in dhawaan si toos ah loo guda galo doorashadiisa.

Sidoo kale Guddiga ayaa ku howlan diiwaan galinta Ergada kuraasta kale ee harsan, kuwasi oo dhawaan si toos ah loo guda gali doona.

Kuraasta Somaliland ayaa lagu doortay Qaar kood Magaalada Muqdisho, waxaaan sidoo kale horay loo doortay kuraasta Aqalka sare ee Somaliland ku matali doona Baarlamaanka soo socda.

Horay guddiga doorashda Heer federal ayaa bogaadiyay hannaanka ay guddiga doorashada Somaliland ku wadaan doorashada Golaha Shacabka.