Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysan Bastoolad oo saacadihii lasoo dhaafay Nin Odey ahaa ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninka la toogtay xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Ceelasha, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah oo qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, waxaana halkaas ka baxsaday ragii hubeysnaa.
Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka ninka la toogtay, waxaana la sheegay in muddo inuu yaallay goobta.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barhooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada dilkaas loo geystay Ninka ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay Ninka uu mid kamid ah ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kasoo doortay dhinaca dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoona magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Baashe.
Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey dilal loo geystay qaar kamid Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Al-shabaab.