Faah faahin kasoo baxeysa Qarax ka dhacay Xarunta Degmo ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa Koonfurta Soomaaliya ayaa ku warramaya in duhurnimadii Maanta oo Jimco ah halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha degmadaas.

Dad ku sugan Ceelwaaq ayaa soo weriyey in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog oo la geliyay gudaha howlka Xarunta degmadaas, isla markaana miinada qaraxday, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Askar ka tirsan Ciidanka Maamulka degmada iyo xubno kale ayaa ku sugnaa gudaha Xarunta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, xiliguu qaraxu dhacaayay, iyadoo waxyeelo soo gaartay Askar Ciidan oo halkaas joogay.

Dhaawacyo ayaa la xaqiijiyay inay gaareen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Ceelwaaq, waxaana burburay qeyb kamid ah dhismaha Xarunta uu qaraxu ka dhex dhacay, sida lagu arkay Sawirro lasoo qaaday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas Maanta ka dhacay howlka degmadaas, waxaana inta badan qaraxyadaan oo kale mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.