Dowladda Qatar oo Gargaar Caafimaad u soo direyso Somalia

Dowladda Qatar ayaa shaaca ka qaaday inay shixnad Gargaar Daawo ay u soo diri doonto dalka Soomaaliya, taasi oo looga talagalay ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah oo laga helay dalka.

Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani ayaa waxaa maalintii shalay aheyd uu amar ku bixiyay in Gargaar Caafimaad oo kala duwan loo diro dalka Soomaaliya oo dagaal adeg kula jira Cudurka Coronavirus.

Kaalmada Gargaar ee Qatar u soo direyso dalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ku timid Jadwalka Shaqo ee ay Dowladda Qatar ku taageerayso Soomaaliya, waxaana sidaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay Diiwaanka Amiirka Qatar.

Dowladaha Imaaraadka iyo Turkiga ayaa Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Gargaar Caafimaad oo loogu talagalay in looga hortego faafida Cudurka COVID-19, waxaana dowladda ay ka mahadcelisay tallaabooyinkaas.

In ka badan 700 oo ruux oo qaba Cudurka COVID-19 ayaa laga helay dalka Soomaaliya, waxaana u geeriyooday 32 qof, iyagoona ay ka bogsatay dhowr qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.