Ciidamada Milateriga Soomaaliya gaar ahaan Qeybta 27aad ee xooga dalka ayaa ku baxay deegaanka Xalluulshe ee duleedka degmada Warsheeke oo xalay dad isku qoys ahaa si arxan darro loogu dilay.
Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sheegay in Ciidakan ay marka hore tegi doonaan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha, kadibna ay tegi doonaan deegaanka Xalluulshe, si loo sugo amniga.
Sidoo kale Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa howlgal ballaaran bilaabi doona, si loo soo qabto dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay dadkii isku qoyska ahaa ee ku sugnaa hal goob.
Weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Xalluushe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday hooyo Umul ahed iyo laba caruur ah oo ay dhashay, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, lana geeyay Xarun caafimaad.
Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta ugu baxsaday dhul-howd ah, waxaana dhacadaas lagu sheegay inay la xiriirto aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka jirtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, laguna guul-dareystay in lasoo afjaro.