Dowlad ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir Gaadiid iyo qalab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dowladda Talyaaniga kala wareegay agab kala duwan oo deeq ahaa.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha sar ee cutubka dowladda Talyaaniga ee ka jooga Soomaaliya ka guddoomay agabka oo ah mid loogu talagalay deb-demiska ayaa waxaa uu ka koobanyahay gaadiid, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha gurmadka dega degga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Basma Caamir Axmed ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay agabkan ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab taaganyihiin maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa wax ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan, waxaana sidaan horey dowladdo ay Maamulka Gobolka Banaadir ugu wareejiyeen qalab kala duwan oo ay ku jireen gaadiid.