Ciidanka Iiraan oo minguuriyey Taatikadii Burcad-baddeedii Soomaaliya

Wargeyska Toddobaadlaha ee The Arab Weekly ayaa qoray Warbixin uu Cinwaan kaga dhigay: “Ciiddamo la tuhunsan yahay inay Iran taageero oo minguuriyey Taatikadii Burcad-baddeedii Somalia.

Iran waxay beegsanayaan Maraakiibta isticmala Gacanka Oman, iyagoo maanka ku haya Ficiladi ay Burcad-baddeed ka geysan jireen Gacan-biyoodka Baabul-Mandab muddadii u dhexeysay sanadihii 2007-dii ilaa 2010-kii.

Kala Duwanaansho Ahdaafta ayeyna ku kala duwan yihiin, iyadoo Burcad-baddeedii Soomaalida hadafkooda ahaa inay Lacago madax-furasho ah ka qaataan Shirkadaha iyo Milkiilayaasha Maraakiibta ay qafaashaan.

Balse, Iiraaniyiinta waxay doonayaan inay Cabsi geliyaan Maraakiibta Caalamiga, iyagoo adeegsanayo xeelladihii ay Burcad-baddeedii Soomaalida horey u adeegsan jireen.

Talaadadii la soo dhaafay, Koox rag hubeysan oo tiradooda u dhexeysay 8 ilaa 9 qof ayaa gudaha u galay Markab Booyadle Shidaal oo marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

Kooxda afduubka geystay waxay Markabka sii daayeen maalintii Arbacada ee la soo dhaafay, iyadoo aysan jirin cudud ku khasabtay inay sii daayaan Markabkaasi.

Xarunta Ammaanka Baddaha ee Oman waxay sheegtay in falkii lagu afduubtay Markabka Booyadlaha ee Asphalt Princess uu ahaa Shil Afduub oo ka dhacay Biyaha Caalamiga ee Gacan-biyoodka dalka Oman.
Ciiddanka Badda ee Oman waxay dhowr Maraakiib u daabuleen Gacanka Oman, si ay taageero uga geystaan sugida Ammaanka Biyaha Caalamiga ee Gobalkaasi.

Goobjoogayaasha ayaa rumeysan in beegsiga Maraakiibta Shidaalka ay qeyb ka tahay Istaraatijiyada Iran ee ay fariimaha culus ugu dirayaan Europe, Maraykanka, Israel iyo dalalka Gacanka Carbeed.

Khubarada waxay kaloo rumeysan yihiin inay Iran doonayso inay muujiso Awoodda ay ku cabsi gelin karaan Ammaanka Maraakiibta Caalamiga, gaar ahaan kuwa shidaalka dhoofiyo.

Burcad-baddeeda Iran marka ay cabsi-geliyaan ama ay gudaha u galaan Maraakiibta waxay si caadi ah dib ugu laabtaan Doonyahooda, Iyadoo laga mamnuuco inay galaan Xuduud-baddeedka Iran, halka ay Burcad-baddeedii Soomaalida galangal u lahaayeen inay ku baxsadaan Doonyaha dheereeya, iyagoo u jiheysanayo Xeebaha dalkooda hooyo.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Iran ayaa la sheegay inay taageerto Burcadda ka dillaacday Gacanka Oman, iyadoo u fududeeysa helitaanka Qalab iyo Farsamooyin casri ah.