Ciidanka DANAB oo Al-shabaab kala wareegay degaano Cusub

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya guutada 16Aad ee Danab ayaa saakay Howlgal Al-shabaab looga saarayo Dhulka xeebta ah ka bilaabay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marka, waxaana la sheegay inay la wareegeen Dhanaane oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 16Aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Al-shabaab saakay laga saaray Degaanka Dhanaane ee Gobolka shabellaha Hoose.

Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik waxa uu sidoo kale Sheegay Ciidamada Kumaandooska ay gaareen degaanada Gandarshe iyo Jilib marko halkaasi oo Al-shabaab ay ku sugnaayeen.