Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta lala beegsaday Kolonyada UN-ka

Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa uu waxaa barqanimadii Maanta ka dhacay wadada 21-la October ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa Is-miidaaminta ahaa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana qaraxa ku qabsaday, xili ay marayeen meel ku dhow Xerada Ciidanka Afisyooni ee degmada Waaberi.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Askar ka tirsan UN-ka oo ilaalo u ahaa Saraakiisha wadatay kolonyada, waxaana la xaqiijiyay inay dhinteen 5 Askari, halka 5 qof kalena oo shacab ah dhaawac uu soo gaaray.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay wadada 21-la October ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, iyagoona tilmaamay inay la eegteen kolonyo ay la socdeen Saraakiil caddaan ah.

Shabaabka ayaa intaas kusii daray in qaraxa uu burburay mid kamida gaadiidkii ay wateen Saraakiisha caddaanka ahaa, sidoo kalena ay waxyeelo gaartay gaadiid kale, uuna jiro khasaaro dhimasho  iyo dhaawac, in kastoo Shabaabka sheegin tirro khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaas.